Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in markab laga leeyahay dalka Sirilanka islamarkaana dhaawaan ay sii daayeen kooxaha uu goordhaweyd ku xirtay Dekadda Magaaladas.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in Markabka uu dekadda Boosaaso ku xirtay kadib markii uu kasoo baxay Magaalada Caluula oo maalmo kooban ay ku haysteen kooxaha burcad Badeed Soomalia ah.
Markabkaan oo laga leeyahay dalka Siralanka islamarkaana ka diiwaan gashay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan waxaa gacanta ku dhigay kooxo burcad Badeed Soomali ah, wada-hadal iyo dagaal dhexmaray iyaga iyo Ciidamada puntland waxaa lagu guuleystay in lasii daayo.

