Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Muuse Faki ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Moussa Faki Mahamat waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka socday AMISOM.
Gudoomiyaha U jeedka uu u yimid Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in ay la xiriirto Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale dardar Gelinta Howlgalka AMISOM.
Waxaa lagu Wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

