Al-shabaab:-“Dadka Gargaar Way u Doonan Karaan Deeganada ay Maamusho DFS”,

0

Xarakada Al-shabaab ayaa u ogolaatay dadka ku nool deeganada ay ka taliyan in ay gargaar u doontaan deeganada ay maamusho Dowadda Federaalka Soomaliya.

Suldaan Calaa Maxamed oo Al-shaabab u qaabilsan gurmadka Abaaraha oo la hadlay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in dadka abaarta ay saameysay ay gargaar u doonan karaan deeganada ay dowladda Soomaliya ay ka taliso.

Waxa uu sheegay Suldaan Calaa Maxamed oo Al-shaabab u qaabilsan Gurmadka Abaaraha in ay marnaba ogolaan doonin maamulkooda In hay’adaha Qaramada Midoobay ka socda ay gargaar ka qeybiyaan deeganada ay ka taliyaan Xarakada Al-shabaab.

Waa markii ugu horeysay ay Al-shabaab shaaciyeen in dadka ku nool deeganada ay ka arimiyan ay gargaar u doona karaan deeganada ay ka arimiso dowladda Soomaliya, horey Al-shabaab waxaa loogu dhaliilay in dadka ay ka ka hor istagaaan gargaarka xili abaar xoogan ay dalka ka jirta taasi oo sameeysay dadka iyo duunyada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here