Boqolaal qoys oo isaga soo barakacay abaaraha ka jiro meelo badna oo ka mid ah gobolada dalka islamarkaana gaaray magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan waxa ay bilaabeen dadka in ay ka dawarsadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada baladweyne.
Dadka dawarsanaya ayaa sheegay in xoolahooda ay ku baaba’een abaaraha islamarkaana wax ay cunaan aysan heysan sidaana ay danta ku kaliftay in ay dawarsi bilaabaan.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Gobolka hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan cali oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in maamulkooda iyo dadka b/weyne y la yaaban yihiin dhacdadaan cusub oo ay reebtay abaarta.
Sheekh Xuseen ayaa tilmaamay in dadka abaaraha ka soo bakacay ee soo gaaray duleedka b/weyne haatan ay si toos ah xaafadaha kala duwan ee magaalada baladweyne ay kaga bilaabeen in ay dawarsadaan.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA

