Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehliyaan Guddoonka baarlamaanka, Wasiiro iyo xubno kale duwan ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayo Sidii Puntland ay ugu wareejin lahayd dekadda Magaalada Boosaaso waxa ay la leeyihiin Dowladda Imaaraadka Carabta.
Hoggaamiye Gaas ayaa kulamo gaar gaar ah maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Abuu-Dubai ee xarunta isku tagga Imaaaraadka Carabta waxaa uu kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda Puntland ay qalinka ku duugi doonaan heshiis u ogolaanaya in dekeda magaalada Boosaaso lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay, oo dibu habeyn ku sameyn doonto dhismaha dekeda magaaladaas.
Wararka ayaa daaha ka rogaya in heshiis kama dambeys ah uu dhexmari doono Xukuumada Puntland & Shirkadda DPWorld oo horey loogu wareejiyay dekadda magaalada Berbera, kaas oo dhabaha u xaaraya in lagu wareejiyo dekeda magaalada Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya in ay jiri karaan kulamo kale oo ay Madaxda Puntland la yeelan doonaan shirkado gaar ah oo ay kala hadli doonaan sidii maalgashi loogu sameyn lahaa deegaanada Puntland.

