Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay xaaladaha degmada dhanka amaanka iyo Hormarka ay ku Tilaabsatay Mudooyinkii dambe
Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Maxamed axmed xaashi oo kula Hadlay xafiiskiisa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in degmada Heliwaa ay gaareyso Hormaro waa weyn oo dhanka amaanka ah
Sidoo kale Maxamed axmed xaashi ayaa sheegay in Yaraadeen weeraradii lagu soo qaadi Jirey saldhigyada ciidamada dowlada soomaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir
Dadkii ka qaxay Mudo ka Hor degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxa ay Bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan Xaafadahooda ayuu sidoo kale Hadalkiisa ku daray Gudoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Maxamed axmed xaashi
Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Waxaa Mudooyinkii dambe ka Taagnaa Falal amniga lidi ku ah waxaa marar badan weeraro qorsheysan lagu qaaday saldhigyada degmadaas ay ku leeyihihiin ciidamada dowlada soomaliya

