Faah-faahin Ku Saabsan Qaraxyadii Lagu Weeraray Hoteelka Wehliye

0

Labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa abaarihii 10:15-daqiiqo waxaa lagu weeraray Hoteelka Wehliye oo ku yaala inta u dhaxeysa wadada Sayidka iyo dabka.

Qaraxyaadan ayaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaa la xaqiijiyay in ay fuliyeen rag naftii horayaal ahaa.

Qaraxa koowaad ayaa la xaqiijiyay in lagu fuliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaa lagu qarxiyay afafka hore ee Hoteelka wehliye oo ku yaala inta u dhaxeysa Sayidka iyo dabka.

Qaraxa Labaad ayaa la xaqiijiyay asna in lagu dhuftay gaari uu leeyahay Maxamed cumar Ceymooy Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxaa la xaqiijiyay in xiligaas uusan gaariga saarneen.

Goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya,waxana gabi ahaanba la xiray wadada Maka almukaramah ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay qaraxyadaas 11-ruux oo u badan shacab Soomaliyeed.

Waa qaraxyadii labaad ee saacado gudahooda ka dhaca Magaalada Muqdisho, saakay waxaa gaari Homey ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaa lagu weeraray warshadii Hore Nac-naca ee Degmada wadajir, oo Saldhig ay u tahay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here