Kenya oo Xabsi Dhigtay Haween Haween Qariyay Rag Ku Biiray Al-shabaab

0

Labo haween ah oo ku guul dareestay in ay soo tabiyaan xogta saaxiibadooda ayaa booliiska dalka Kenya gacanta ay ku dhigeen kuwaa oo imika baaritaano lagu haya.

Eunice Wanjiku Wachira iyo Caroline Mwangi ayaa wajahaya eedeemo ah xog ku saabsan arimaha amaanka oo booliiska Nairobi aysan u soo bandhigin iyadoo booliiska sidoo kale telephon-da haweenkan ay xog amaanka ku saabsan ka raadinayaan.

Saraakaal u hadlay booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in waajib ay tahay soo tabinta xog kasta oo ku saabsan arimaha amaanka ee quseeya muwaadiniinta dalka Kenya.

Haweenkan la soo qabtay ayaa ah kuwo loo heesto qarinta xogta saaxiibkood oo soomaaliya u soo talaabay, islamarkaana ku biiray dagaalyahanada Xarakada Al—shabaab oo dowladda Kenya dagaal kula jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here