Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari loo adeegsaday in uu goordhaweyd ka dhacay Gudaha Degmadaas.
Gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray xarunta Warshadii Hore ee Nac-naca ee gudaha degmadas,oo saldhigyo lagu Tababaro Ciidamo ay ku leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari uu ku qarxay agagaarka Warashada islamarkaana uu u gudbin gudaha warashada.
Xaruntaas Ciidamada ku sugan ayaa shalay dhigay Banaan-bax ay kasoo horjeedaan in aan la siisin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

