Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed oo Beeniyay in uu Iscasilay

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed (Bood) ayaa si kulul u beeniyay wararka ku aadan in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu la kulmay dhaleeceen joogta ah.

Taliyaha ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee iscasilaadda ay faafiyeen kuwa kasoo horjeeda dowladdanimada Soomaliya islamarkaana uu sii wadi doono shaqada uu u hayo qaranka Soomaliyeed iyo shacabka.

Maxamed aadan Axmed (Bood) ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in la lunsaday mushaarkii loogu talagalay Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, islamarkaana loo weeciyay mid kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Baraha bulshada waxaa xalay qabsaday wararka ku aadan in uu iscasilay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed Bood, kadib markii lagu helay musuq-maasuq iyo wax lunsasho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here