Somali-land oo Lagu Eedeeyay in ay Ku Fashilantay Wax u Qabashada Shacabka

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga wadani Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo safar shaqo ku jooga Magaalada London ee dalka Ingiririiska ayaa si kulul ugu hadlay dhibaatooyinka lagu hayo Shaqaalaha Dekadda magaalada Berbera oo shalay dhigay Banaan-bax kadib markii cadaadis ay kala kulmeen Maamulka cusub ee Dekadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga wadani Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mudaharaadkii ay sameeyeen shaqaalaha dekeda Berbera ee Gobolka Saaxil, waxa uu dusha ka saaray xukuumada, waxa uuna sheegay in an ku fashilantay wax qabashada baahiyaha shaqaalaha.

“Maadaama ay xukuumada wareejinayso ama wareejisayba anagu war sugan kama haynee Dekedii waxa laga rabay in muwaadiniinta somaliland ay helaan wixii ay xuquuq u lahaayeen, shaqada in nidaam loo sameeyo ayey ahayd, wixii gaf ah ee lagu sameeyo shaqaalaha xilku wuxuu saaran yahay inay xukuumadu hagaajiso, haddii ay hawsheedii gabto waxa laga yaabaa in halkaas muran iyo dagaal ka yimaado.”ayuu yiri.

Shalay shaqaalaha qeybta Farsamada Dekadda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ayaa dhigay Banaan-bax kadib markii ay cadaadis joogta ah ay kala kulmeen Maamulka cusub ee Dekadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here