Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in si guul ah lagu xaliyay Tabashadii qaar kamid ah Ciidamada Kumaandooska dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo shalay si rasmi ah dib ugu laabtay Xarumahoodii ciidan.
Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa si wadajir ah u sheegay inaanu jirin wax dhibaato ah ama rabshad ah oo ciidamadaas ugeysteen intii ay maamulayeen kantaroolka koonfureed ee Garowe.
Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shakhsiyaad iyo kooxo kasoo horjeeda midnimada Puntland, kuwaas oo baraha internetka kusoo qorayay hadalo been abuur ah oo ay dadka ku jahwareerinayeen.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Taliska ciidamada kumaandooska dowlad Goboleedka Puntland uu sheegay in la xaliyay tabashooyinkii jiray islamarkaana Ciidamadii qabsaday Kontoroolka Koonfureed ee Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ay dib ugu laabteen Xarumahooda.
Maalmihii dambe waxaa deegaanada maamulka Puntland kusoo badanayay arinta Gadoodka Ciidamada, waxayna intooda badan ay ka cabanayeen mushaar la’aan, iskastoo mas’uuliyiinta maamulkaas ay sheegeen in la bixiyay mushaarka intiis badan.

