Wararka ka imaanaya deegaanka Saniini ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in 25-qof oo ku noolaa deegaankaas uu soo ritay cudurka shuban biyoodka kadib markii ay isticmaaleen Ceel Biyood Wasaqeysan.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo qof kamid ah qoyskeeda uu wax ku noqday biyaha Wasaqeyn oo la dhigay isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dadka ay biyaha mar qur ah wada isticmaaleen kadibna uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, sidaas darteed loosoo qaaday Magaalada muqdisho.

