War Deg Deg:-Bam Lagu Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Soomaliya

0

Kooxo hubeysan ayaa Goordhaweyd askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya oo marayay Isgoyska Florence degmada Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku tureen Bambada gacanta Lagu tuuro.

Ciidamada oo watay gaari kuwada dagaalka ah ayaa la sheegay in bambada kadib ay fureen rasaas xoogan islamarkaana ay wax ku noqdeen dad ku shaaheynayay Hareeraha Isgoyska Florence degmada Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 2-dhalinyaro ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen Ciidamada ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo hortooda usii socday, waxaana dhawaacooda la dhigay isbitaalka Daambey ee Degmada Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here