Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun kala duwan ku ridey Malxiisadii ninka noqotay iyo Aroosaddii uu la socday iyo gabadh kale, kuwaasi oo maalmihii dambe dacwadoo ay ka socotay maxkamadda Gobolkaas.
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Maamulka Somali-land ayaa fadhi ay ka yeelatay kiiskan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay Somaliland isla markaana bulshadu aad ula yaabtay hadal haynteeduna aad u badnayd ayaa waxay ka soo saartay maxkamaddu go’aan xukun rasmi ah ee laga gaaray kiiska.
Maxkamaddu ayaa ku xukuntay Aroosaddii ninku uu u noqday malxiisadda Laba Sanno oo xarig ah,halka ninkii Malxiiska ahaa ee gabadha iska dhigayna lagu xukumay Hal Sanno iyo Lix bilood oo xarig ah,waxaana sidoo kalena wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan in maxkamaddu ay xukun ku ridey gabadh lagu soo eedeeyey inay gacan siisay dadkaas.

