Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo maanta Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska uu dajiyay qorshooyin cusub oo lagu adkeynayo amaanka Magaalada.
Taliyaha ayaa sheegay in amarada lasoo saaray ay qeyb ka yihiin in aan Magaalada Muqdisho lagu arki karin Gadiidka iska socda Taarikada la’aanta, islamarkaana Gadiidkii lagu arko arintaas xabsi la dhigi doono.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in Kontoroolada laga soo galo magaalada muqdisho la dhigi doono Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya si ay u baaraan gadiidkaas aan la heyn Taarikadda oo uu sheegay in ay ka qeyb qaataan amniga darada.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in cidii awaamirtaan ka hortimaada ay u arki doonaan kuwa qalqal galinaya amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono.
Marka laga soo tago hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Bishaar Abshir Geedi waxaa Magaalada muqdisho kusoo badanaya falalka amniga lidiga ku ah, taliyayaaasha Ciidamada ayaa dhawaan isku raacay in Ciidamada Malatariga Magaalada Laga saaro islamarkaana amniga muqdisho lagula xisaabto Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo kuwa booliska Soomaliya.

