War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya xaafada Buurdheere ee Degmada Waabari ayaa ku waramaya in kooxo Hubeysan ay goordhaweyd xaafadaas ku dileen askari ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in askariga dhowr xabadood kaga dhufteen qeybha sare ee jirkiisa islamarkaana ay goobta ka baxsadeen sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, waxaa jira howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka askariga ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

maalmihii dambe waxaa Muqdisho ka dhacayay dilalka loo geysanayay Shaqsiyaadka ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here