Madaxweyne Farmaajo Oo Xaley Kulan la qaatay Hanti Dhowrka Qaranka Oo Xafiiskiisa La jabsaday

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xaley Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Farmaajo iyo Dr. Nuur ayaa kawada hadlay sida loo baari lahaa documentiyo badan oo laga baxay xafiiska Hanti dhowrka oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa madaxweynaha u sheegay in arintaan ay u baahan tahay daba gal badan islamarkaana maalin cad xafiiskiisa rag burcad ah ay dheceen hadana raga halka ay dhaca ka geysteen ay tahay xarunta Madaxtooyada soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne farmaajo ayaa ku amray saraakiisha Madaxtooyada in arintaani ay soo kala cadeeyaan lana soo qabto raggi falkaasi ka danbeeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here