Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Maamulka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu wax ka ogaa heshiiska Saldhiga magaalada berbera.
Waxa uu sheegay in Xasan Shiikh oo ahaa Madaxweynihii 8-aad ee Soomaliya soo mara in uu wax ka ogaa heshiiska, wuxuuna ugu baaqay Xukuumadda Soomaliya ee uu hogaamiyo Xasan cali Kheyre In ay tixgaliso heshiiska iyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka Somali-land iyo Dowladda Dhexe Soomaliya waa siduu hadalka u dhigee.
Dhawaan Maamulka Somali-land waxa uu sheegay inuu heshiiskaas wax ka saxiixay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashii Cali Sharmarke kaasoo la sheegay inuu ku qaatay Lacago gaarayo ilaa 35 Milyan oo Dollar.
Dowladda Cusub ee Soomaliya ee uu hogaamiyo Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) ayaa dadaal ugu jirto sidii loo diidi lahaa heshiiska Saldhiga Magaalada berbera oo ay kala saxiixdeen Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Somali-land.

