Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho Soo Gaaray

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Xoghayaha Guud ee arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Stephen O’Brien, ayaa soo gaaray magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Wafdigaan waxaa garoonka Diyaadaraha magaalada Muqdisho aadan cadde kusoo dhaweeyay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo Xiriiriyaha arrimaha bini aadminimada ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan dalka Somalia Peter de Clercq.

Xiriiriyaha arrimaha bini aadminimada ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Somalia Peter de Clercq, ayaa sheegay imaanshiyaha Magaalada muqdisho Caasimada Soomaliya Stephen O’Brien ay muhiimad gaar ah ay leedahay islamarkaana uu ka qeyb gali doono kulamo loogu hadlaayo arrimaha Abaaraha dalka Soomaliya.

Sidoo kale Xiriiriyaha arrimaha bini aadminimada ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Somalia Peter de Clercq ayaa sheegay in 5.5 Million oo qof ay u baahan yihiin gargaar islamarkaana 6-da blood ee soo socota gargaar la gaarsiin doono.

Waxa sidoo kale la xaqiijiyay in Xoghayaha Guud ee arrimaha bani’aadamnimada ee qaramada Midoobay Stephen O’Brien uu booqan doono goobaha ay saameyn ta ku yeelatay abaarta dalka ka jirta sida xarumaha maamul goboledyada dalka ka jira.

28-kii bishii February aynu soo dhaafnay Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shir gudoomiyay kulan loogu hadlaayay Abaaraha dalka Soomaliya ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here