Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa goordhaweyd duqeeyay Saldhig Ciidamada Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaan hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha Degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay duqeeyeen Saldhig Ciidamda Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ginbilow oo 11-KM u jira Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu xaqiijiyo qasaaraha dhashay Duqeynta ay fuliyeen Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Gobolkaas, iyo midka soo gaaray dadka shacabka ah.

