Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo maanta Furey Kalfadhiga koowaad Baarlamanka 10-aad ee dalka ayaa baaq nabadeed u diray dagaalyahanada Xarakada oo dowladda Soomaliya dagaal kula jira.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto dagaalka dalka loogu saarayo Xarakada Al-shabaab, kaasoo uu tilmaamay inay ka mid yihiin labo caqabad oo lid ku ah dowladnimada.
Halku dhigga dowladda cusub ayuu tilmaamay in uu yahay dib u heshiisiin iyo dib u dhis oo ku dhisan saddex aas aas oo kala ah Ammaanada loo dhiibtay inay ilaaliyaan, Cadaaladda iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saboolka ah.
Shacabka Soomaliyeed ayuu madaxweynaha ugu baaqay in ay heshiis noqdaan dadka is khilaafsan is cafiyaan, isagoo xusay in abaarta soo noq noqota ay sabab u tahay cadaalad darada iyo dagaalada sokeeye.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Baarlamaanka in Xukuumadda lagu taageero sidii labada cadaw ee Soomaaliya heysato, sida musuq maasuqa iyo kooxaha nabada ka soo horjeeda loo ciribtiri lahaa waa siduu hadalka u dhigee.
“Qolada dhibka nagu heyso waqtigooda waa dhamaaday, hadaan isu tagno oo aan hal noqono, Shabaab waa ka adkaaneynaa, Shabaab hal lug ayay ku taagan tahay, lugtaas waa u bixineynaa, kuwa la qaladay ee carruurteena ah waxaa leenahay soo noqday, wixii aad sameyseen waa la idinku qasbay, hooyooyinkiisa u soo noqda, asxaabtiina u soo noqda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

