Waxaa mudooyinkaan soo baxayay warar sheegaya in qaar kamida mudanayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabeele ay qorsheynayaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdulaahi Cosoble kadib markii odayaasha dhaqanka beelaha daga gobolada uu ka arimiyo maamulkaasi iyo xubno katirsan baarlamaanka maamulka ay ku qamci waayeen habkii uu madax weynuhu u maray magacaabista golihiisa wasiirada.
Xildhibaan C/qaadir Faarax Shuutaale oo kamid h baarlamaanka Hirshabeele oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in ay kulan la qaateen gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi uuna u balan qaaday in madax weyne cosoble uu imandoono kalfadhiga ugu horeeya ee ay yeelanayaan baarlamaanka si ay wax uga weydiiyan hallka uu marayo howlaha maamulka iyo qaabkii uu u maray magacaabista golihiisa wasiirada.
Waxaa lafilayaa in maalinta berri ah uu madaxweynuhu hortago baarlamaanka Maamulka Hirshabelle waxaana il gaar ah lagu hayaa sida uu baarlamaanka ugu qancin karo meel marinta Xukuumadiisa.

