Dowladda oo Soo Bandhigtay Hab Lagu Ciqaabayo Mas’uuliyiinta Lagu Qabto Danbiyada Laaluush iyo Musuqmaasuq

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay ayaa sheegay in dib loo soo celinayo beerihii ay la haan jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya si loogu ciqaabo dadka dambiyadda gala.

Madaxweynuha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo waxa uu sheegay in beerahaasi lagu fali doono Mas’uuliyiinta lagu qabto danbiyada la xiriira qaadashada Laaluush iyo sidoo kale Musuqmaasuq.

”Dowladu waxa ay laba dhan uga faa’iideysan doontaa Beeraha ay laheyd Dowladii dhexe, faa’iidada koowaad waxa ay noqon doontaa inaan dib usoo saarno kheyraadka ku jira Beelaha iyo in Beerahaasi aan ku falno Mas’uuliyiinta lagu helo laaluushka iyo musuqmaasuqa”

”Beeraha kama shaqeyn doonaan cidaan aheyn shaqsiyaadka lagu helo kiisaska Laaluushka iyo Musuqmaasuqa”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo booqday xabsiga Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here