War Deg Deg:-Qaraxyo Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in laba qarax oo nooca gacanta lagu tuuro in lagu weeraray xarunta bangiga dhexe ee magaalada Bosaaso ee gobolka Bari, waxaa weerarkaas kadib xigay rasaas xoogan oo ay ciidamada adeegsadeen.

Dad halkaas ku sugan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa xaqiijiyay in labo dhalinyaro ah ay bambooyinka ku weerareen xarunta islamarkaana markii dambe ay goobta isaga baxsadeen inkastoo dhowr daqiiqo ay rasaas isweeedaarsadeen Ciidamada Amaanka Maamulka puntland.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Magaalada Boosaaso ee Puntland oo loogu hadlaayo bambooyinka caawa lagu weeraray xarunta bangiga dhexe ee magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here