Madaxweyne Osoble oo Qorshaynaya in uu Ka Laabto Magacaabistii Golaha Wasiirada

0

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo haatan howlo shaqo u jooga Magaalada muqdisho ayaa lagu wadaa In todobaadyada soo socdsa uu dib ugu laabto Magaalada Jowhar islamarkaana uu ka laabto go’aankii magacaabistiisa Golaha wasiirada Maamulkaas.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle oo tiro ahaan gaaraya 52-muda ayaa aad kaga xun nidaamka loo maray Magacaabista Golaha wasiiradda Maamulka waxayna haatan ay diyaariyeen mooshin xilka loogu qaadayo Madaxweynaha maamulkaas Cali C/laahi Osoble.

Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre ayaan ku qanacsaneyn magacaabistii Golaha Wasiirada, maadaama la sheegayo in magacaabistan aheyd mid isaga kaliya ku koobneyd oo xubnaha qaar laga tala gelin.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle intuu Muqdisho ku sugan yahay waxa uu kulamo la qaadan doonaan Xildhibaanada Labada aqal ee laga soo doortay deeganada Maamulkaas, si ay kaga caawiyaan culeyska kaga imaanaya Xildhibaanada Baarlamanka Hir-shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here