Maxay Kawada Hadleen Raisulwasaare Kheyre iyo Denjire Divid Concar+Sawirro

0

Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Divid Concar.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa loogu hadlay xiriirka labada dal, iyo sidii dowladda Ingiriiska ay ugu qeyb qaadan laheyd garab istaaga dowladda Cusub ee Soomaliya.

Kulanka Raisulwasaaraha Cusub ee Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Divid Concar ayaa kusoo beegmay xili dowladda ingiriiska ay soomaliya todobaadkii aynu soo dhaafnay ugu deeqday 100 Milyan oo Ginni si wax loogu qabto Abaaraha Soomaliya ka jira xiligaan.

Dhanka kale Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaliya ka caawinaysa in deeganada Koonfur Galbeed Soomaliya meel kamid ah laga furo saldhig Malatari oo lagu tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya si ay amaanka dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM oo Soomaliya ka baxaya sanadkan 2018-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here