Waxaa goordhaweyd Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle kaga dhawaaqay in uu iscasilay Cali Xaaji Cabdule (iskow) oo shalay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble u magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulkaas.
Mas’uulka ayaa sheegay In aan lagala tashanin magacaabistiisa islamarkaana Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle uu talaabadaas si qaldan u qaaday waa siduu hadalka u dhigee.
Waa Wasiirkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay in uu iscasilay 24-saac kadib markii Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble uu ku dhawaaqay Golihiisa wasiirada oo laga sugayay muddo 3-bilood.

