Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo kamid ah Baarlamaanka Soomaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeen u jeediyay Maamulka Puntland oo ku aadan in ay dhibaato u geystaan dhalinyarada kasoo jeeda deeganada koonfur galbeed Soomaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in xabsiyada deeganada Maamulkaas ay buux dhaafiyeen dhalinyaro aan wax dambi ah aan galin islamarkaana markii muddo la joogo qaarkood lagu xukumo.
“Xabsiyada Puntland waxaa buux dhaafiyay dad fara badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed Somaliya oo ay ku shabadeynayaan Al Shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Maaxamed Xuseen Isaaq Afaraale.
Sidaas Daraadeed ayuu ugu baaqay dowladda Federaalka Somaliya in ay wax ka qabato Bartilmaameedka maamulka Puntland uu ku hayo Shacabka ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.
Maamulka Puntland ayaa waxaa la sheegaa in xabsiyadiisa ay buux dhaafiyeen dad ka soo jeeda deegaanada Koofurta Somaliya oo ay la xiriirinayaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

