Gudoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo shalay ka qeyb galay sanad guuradii 47-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Ciidamada asluubta Soomaliyeed ayaa faray Guddiga Garsoorka iyo xeer ilaalinta qaranka Soomaliya in ay si deg deg ah Maxkamad u horgeeyaan Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar.
Guddoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in loogu baahan in Madaxda Garsoorka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u furaan gal dacwadeedka Maxaabiista ku jirta xabsiga Dhexe si loo kala xukmiyo.
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga dhexe ay ku xiran yihiin dad aanan dambi laheyn hadii la furo gal dacwadeedka ay fududaanayso in la helo dad aan dambi laheyn.
“Waxaan idin ku dhiiragelinayaa Taliyaha Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha iyo maxkamada qof aanan xukuneyn ama aanan laheyn gal dacwadeed inuusan xabsiga ku jirin, muwaadinka xaqiisa iyo xuquuqdiisa in loo celiyo oo la baaro waaye.” Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

