Raisulwasaare ku-xigeenka Soomaliya oo la Kulmay Safiirka Cusub ee Britain, Amb. David Concar+Sawirro

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Wadanka, Maxamed Cumar Carte ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Cusub ee Britain, Amb. David Concar, iyaga oo ka wada hadlay qaban-qaabada shir heer sare ah oo ku saabsan horumarka iyo amniga dalka, oo sannadkan lagu qaban doono Magaalada London.

Maxamed Cumar Carte, ayaa Safiirka kala hadlay wax yaabaha looga hadli doona shirka oo ay martigelinayso dawladda UK lana filayo in ay ka soo qayb galaan dawlado badan iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey.

“Shirka HLPF waa mid muhiimad u leh dalkeenna oo ay tahay in lagu lafaguro sidii Soomaaliya looga caawin lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo abaaraha ku habsaday dalka.”

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, ayaa safiirka uga mahadceliyay martigelinta ay dawladiisa martigelineyso shirkan, isagoona ku booriyay in xiriirka labada dal kor loo sii qaado.

Carte, ayaa sheegay in shirka ay si wada jir ah u guddoomin doonaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain.

Shirkan, ayaa waxaa la fillayaa in heshiis ay ku kala saxiixdaan Somaliya iyo Beesha Caalamka, kaasoona ku qotoma kaabayaasha dhaqaalaha, dib u habaynta ammaanka, wax ka qabashada abaaraha iyo sidii Somaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here