Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo kamid ah mas’uuliyiin ka qeyb galaya caleema-saarkada Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.
Madaxweynaha Maamulka Jubba-land ayaa ahaa ninka kaliyah ee aan imaan magaalada Muqdisho intii ay socdeen ololaha doorashada iyo maalintii ay dhaceysay doorashada Madaxweynaha, halka Madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay qeyb ka ahaayeen ololaha doorashada, ayna u kala ololeynayeen Musharaxiinta qaar.
Axmed Madoobe ayaa saacadaha soo socda la kulmi doona Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo kaasi oo baryihii dambe waday kulamo uu la qaadanayay Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ka jira.
qaban-qaabada Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa haatan ka socota Magaalada muqdisho,wasaaradda arrimaha Dibada Soomaliya oo arintaan loo xilsaaray ayaa casuumad u dirtay madaxda dalalka dariska ah.
Sanadkii 2012 waxaa caleema saarkii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh maxamuud ka soo qeyb galay Madaxda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, wakiilo matalayay Madaxda Kenya, Uganda, Sudan iyo kuwa kale, waxaase sanadkan la filayaa inay ka duwanaato afar sano ka hor.

