Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo maanta wrbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xukuno Maxkamadda Magaalada Boosaso ay ku riday dad laso qabtay falalkii amniga Liddiga ku ahaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa sheegay in dadkii loo xukumay falalkii amniga Liddiga ku ahaa ay qaateen ambiil ama (Racfaan), isla markaana dib loso saari doono Maxkamad, sidii ay maxkamadda ka ogolaan weyso ay wajihi doonaan Xukunka markii hore lagu riday.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland fadhigeeda Bosaso ayaa dhawaan xukun dil ah ku riday 7 dhalinyaro oo ay sheegtay inay ahaayeen dadkii ka dambeeyay dilalkii Bosaso loogu geystay, agaasimihii madaxtooyada Bosaso, taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska iyo xeer ilaaliyiihii maxkamada ciidamada.
Maxkamadu waxay sheegtay inay raggaan qirteen inay katirsan yihiin Alshabab ayna ka dambeeyeen dilalka lagusoo eedeeyay, walow qareenada udoodaya raggaan ay kasoo horjeesteen go’aanka maxkamadu riday.
Guddoomiyaha maxkamada Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inuu xukunkaan ka furan yahay racfaan bil ah,
Dhalinyarada iyo Xukunkooda ayaa U dhacay Sidan :
1. Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
2. Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )
3. Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )
4. Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )
5. Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )
6. Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )
7. Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )

