War Deg Deg:-Hay’adda NISA oo Shaacisay Gaariga Qarxay Noociisa iyo Tirada Dhimashada

0

Taliska Hay’adda nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir ayaa sheegay in gaariga ku qarxay suuqa uu ahaa gaari Hariyar ah islamarkaana si dhuumalaysi ah ku marayay Wadooyinka qardajeexa ee Magaalada Muqdisho sidaasna ugu qarxay Suuqa.

Taliska Hay’adda nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 30-ruux oo shacab ahaa, islamarkaana dhamaan ay ahaayeen dad shacab ahaa oo suuqa ku ganacsanayay.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waana kii ugu horeeyay oo noocaan oo kala ah oo ka dhaca suuqa dad ay ku ganacsanayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here