Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Cabdiwaxid Sheekh Cumar oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xiligaan ay jirto cabsi ku aadan in maamulka hawada Soomaaliya laga wareejiyo.
Cabdiwaxid Sheekh Cumar ayaa sidoo kale tilmaamay in qalabka lagu maamulo hawada Soomaliya haatan uu noqday mid duugoobay, islamarkaana lagu shaqeynayay in ka badan 45-sano loona baahan yahay qalab cusub.
C/waaxid Sheekh Cumar ayaa sheegay in qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ay daneynayaan in ay la wareegaan maamulka hawada Soomaaliyeed taasoo ah ku xadgudub dhinaca xornimada dalka Soomaaliya.
“Dalalkan ayaa waxa ay ka warqabaan in qalabka aynu ku maamulno hawadeena uu yahay qalab duug ah oo muddo kabadan 45 sano la isticmaalayay, sidaa awgeed ayay ku doonayaan in ay dalalkooda loo wareejiyo maamulida hawadeena.”ayuu yiri C/waaxid Sheekh isagoo la hadlayay laanta Afka Soomaliga ah ee Codka Maraykanka.
Cabdiwaaxid Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dalalka doonaya in ay la wareegaan hawada Soomaaliya ay ka mid yihiin Hindiya, Kenya itobiya iyo Seychelles.

