Al-shabaab:-“10-askari oo Iskugu Jiray Galmudug iyo Cadaan ayaa Lagu Dilay Dagaalka Mudug”,

0

Xarakada al-shabaab ayaa ka hadashay dagaallo culus oo maanta gelinkii dambe ka qarxay deegaanno katirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Ceel-cabdi oo u dhaxeeya deegaanada Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug, ee u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Komaandooska Xooga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada PIS ee Dowlada Gobaleedka Puntland iyo Ciidamada Nabad Sugida Galmudug in dagaalkaas qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada huwanta ahaa.

Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalka lagu dilay 10-askari oo iskugu jiray kuwa Soomali ah iyo Ajaanib ah islamarkaana ay dib kaga laabteen deegaanka Ceel-cabdi oo u dhaxeeya deegaanada Caad iyo Camaara ee Gobolka Mudug.

Shabaab waxa ay sidoo kale sheegeen in degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin in ay maalmahaa oo idil lagu arkayay Hawadeeda Diyaradaha Dowlada Mareykanka.

Ila haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here