Kenya oo Shaacisay Magaca Ninkii Fuliyay Weerarkii Isqarxinta Deegaanka Kulbiyow

0

Dowladda Wadanka Kenya ayaa markii horeysay soo bandhigtay Magaca ninkii Fuliyay weerar isqarixinta ahaa ee lagu furay iridda Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee Gobolada Jubada Hoose.

Anwar Yogan Mwok ayaa darawal ka ahaa mid ka mid ah saddex Gaari oo la sheegay in ay isku qarxiyeen xerada ciidanka dowladda Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo Shabaab ay weerar ku qaadeen Sanadkaa gudihiisa.

Muwaadin kenyaan ah ayaa sidoo kale sheegay in uu ka mid ahaa dadka ay baadigoobayaan ciidamada Ammaanka dalka Kenya , islamarkaana lacag badan 2 million shilinka Kenya ah la dul dhigay Madaxiisa.

Anwar Yogan Mwok Waxaa uu ku dhashay degaanka goboleedka lagu magacaabo Siaya 1981 , waxaana uu ahaa Karistaan , ka dibna waxaa uu qaatay diinta Islaamka , asagoona Shabaab ku biiray Sanadkii 2013.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here