Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanasulay Musharaxnimadiisa Xilka Madaxweynaha Soomaliya oo haatan ay ka harsan tahay Kaliyah 24-saac.
Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in wafdiga uu isaga hogaaminayay ay Labo Todobaad ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya, ay la kulmeen dad Soomaliyeed oo u bisil Nabada islamarkaana ay rajeynayaan in Xilka Madaxweynaha Soomaliya uu ku guuleysto Hogaamiye daacad ah oo dalka kusoo celiyo sidii ahaa barisimaadkii.
“Magaalada Muqdisho waxaa ku sugnaa Labo todobaad aniga iyo wafdi aan Hogaaminayo, waxaa soo dhexmaray degmooyinkii qadiimiga ahaa, sida Xamar weyne, Boondheere, Shibis iyo Shangaani runtii burbur xoogan ayaa laga dareemayaa, balse dowladda Haatan dhismaysa ayaa laga rabaa in ay ka shaqeyso dib u dhiska dalka”, ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole .
Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay waxyaabihii ku kalifay in uu ka tanasulo Musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha oo haatan 24-saac ay naga xigto.
“Sababaha aan kaga Tanasulay Musharaxnimadeeda Xilka madaxweynaha Soomaliya waa danta, dalka iyo dadka Soomaliyeed runtii waxaan hamiyay in aan doorshada Madaxweynaha ka qeyb galo islamarkaana aan ku guuleysto, sababihii aan marka hore isku sharxay waxay aheyd nidaam Xumida Madasha Wadatashiga qaranka ay sameeyeen ee dhanka doorashada, mas’uuliyiin aan rabin Madaxweynaha Soomaliya iyo Xildhibaanada golaha Shacabka iyo aqalka Sare ayaa nidaam xumadaas awgeed usoo galay”, ayuu yiri mar kale Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in musharixiin ay ka tanasuli doonaan Hamigooda Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

