Waxaa saakay xiran gabi ahaanba wadooyinka Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaa wadooyinka lasoo dhigay Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo loogu talagalay in ay xaqiijiyaan amniga.
Isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa la joojiyay kaliyaha dadka shacabka ayaa loo ogalaaday in ay isticmaalaan lugahooda,dadka qaar ayaa arintaan cabasho ka muujiyay.
Sidoo kale waxaa la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah waxaa sidoo kale saakay inta badan xiran goobihiii Ganacsi ee ugu waa weynaa Magaalada Muqdisho, inkastoo meelaha qaar ay furan yihiin.
Sababta loo hakiyay dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay Doorashada Madaxweynaha oo dhacaysa 8-da bishaan February oo ku beegan maalinta bari ah.





