Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhaweyd ka bilaabatay dood wadaag la sheegay in loo qabanaayo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Somaliya afarta sano ee soo socota.
Barnaamijkaan ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha dalka Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle, waxaa ka qeyb galaya 23-musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya.
Qeybta kowaad ee dooda waxaa loo qabanayaa 11-musharax waxaaa lasoo gaba-gabeyn doonaan 12:00PM Duhurnimo, qeybta labaad waxaa dib loo bilaabi doonaa 02:00PM Duhurnimo waxaa lasoo gaba-gabeyn doonaan 04:00PM Galabnimo.
Su’aalo weydiinta ayaa waxaa si toos ah looga daawanayaa Warbaahinta Muuqaalada ah ee Tv-yada dalka, waxaana Musharax waliba la siiyay fursad hal daqiiqo ah oo uu kaga jawaabo su’aal kasta oo la weydiiyo.

