Jubba-land oo Beenisay in Askar Ka Tirsan Ciidamooda ay U Goysteen Al-shabaab

0

Maamul Goboleedka Jubba-land ayaa beeniyay in askar ka Tirsan Ciidamadooda ay u gosyteen dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan gobolada Jubooyinka iyo Gedoee Koonfurta Soomaliya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jubbaland Gaboobe Xasan Barre  oo la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in askar ka tirsan Ciidamada Jubba-land ay isku dhiibeen Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Gobolada Jubooyinka.

Sidoo kale   waxa uu sheegay in dhamaan askar u diiwaan gashan Dowlad Goboleedka Jubba-land la tiriyay islamarkaana aysan jirin wax askar ah oo u goystay dhanka Maamulka Al-shabaab oo dagaal kula jiro Jubba-land.

Munaasabad ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe  ee deeganada maamulka Jubba-land ayaa lagusoo bandhigay ciidamo katirsanaa maamulka ‘Jubbaland’ balse kasoo goostay sida Shabaab ay sheegeen.

Xarunta Maxkamadda Islaamiga Jubbooyinka ayaa lageeyay ciidamadan isku dhiibay Xarakada Al Shabaab, 2-da askari ayaa watay 4 Qori AK47 ah iyo booshah-kooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here