Faah-faahin:-Iska Hor Imaad Dhaliyay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Kaxda

0

Iska hor imaad dhaliyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa  Booliska Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka ayaa bilowday sida naloo xaqiijiyay kadib markii Ciidamo ka Tirsan kuwa  Booliska Dowladda Federaalka Soomaliya ay tageen guri uu lahaa  sarkaal ka tirsan Booliska Dowladda Soomaliya waxayna ku amreen in uu raaco, balse sarkaalka ayaa la xaqiijiyay in uu ka biya diiday in uu horey u raaco askarta.

Intaa kadib waxaa goobta ka dhacay iska hor imaadka u dhaxeeyay labada Ciidan ee ka Tirsanaa Dowladda,dad shacab ahaa iyo askarta labada dhinac ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kuwana dhaawacmeen.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada kaxda ayaa ku baxay dagaalka dhexmaray Labada Ciidan, waxaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in lakala dhexgalo Labada Ciidan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here