Faadumo Dayib oo Laga Saaray Liiska Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub Doorashada

0

Faadumo Qaasim Dayib, oo dhawaan isku soo  sharaxday Xilka Madaxweynaha Cusub ee  Soomaliya balse shaacisay in ay tanasushay ayaa sheegtay in xiligaan laga saaray Liiska Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub wanaaga Doorashada Madaxweynaha Somaliya.

Guddigan waxaa Magacabay gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka fedraalka Soomaliya Por Maxamed Shiikh Cusmaan Jawari,waxaa loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan nidaamka doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

“Sababaha ugu weyn ee laygaga saaray Liiska Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub wanaaga Doorashada Madaxweynaha Somaliya waxa ay tahay mid iska cad, muhiimada ugu weyn waxa ay tahay in doorashada Madaxweynaha la afduubto”, ayay tiri Faadumo Qaasim Dayib.

Faadumo Qaasim Dayib oo dhawaan  isku soo taagtay Xilka madaxweynaha balse iska cashisay ayaa sheegtay in Madaxda haatan ee dalka ka arimisa ay doonayaan in ay mar kale xilka kusoo laabtaan, islamarkaana la musuq-maasuqayo doorashada madaxweynaha oo dhacaysa 8-da bisha Februay ee sanadkaan cusub.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here