Abdikadir adan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Xukuumada Kenya ayaa ku biiray siyaasiyiinta kacodsaday dowlada Kenya in ciidamadeeda difaaca ee loo yaqaano KDF-ta in Soomaaliya ay kala baxaan.
Xildhibaankan ayaa sheegay in waqtiga madaxweyne uhuru kenyata ay tahay markii ugu horeysay oo ciidamada kenyatiga loo diro dalka soomaaliya si howlgalka nabad ilaalinta ee looyaqaano AMISOM ugu qeyb qaataan.
Waxaana uu sheegay in ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan Soomaliya loo baahanyahay in ay ilaaliyaan islamarkaana laga howlgaliyo xuduuda dalka Kenya si amniga dalka Kenya u sugnaado.
“Madaxweyne Uhuru Kenyatta ahna taliyaha ciidamada waa in uu kala baxaa ciidamadkiisa gudaha dalka Soomaaliya inaga ayaa u baahan amni iyo xasilooni” sidaasi waxaa yiri abdulqadir adan
Xildhibankan ayaa xusay in qeyb kamid ah howlgalka ciidamada KDF-ta ee soomaaliya lagu guuleystay iyada oo ay socdaan weerarada Xarakada Al shabaab ay geystaan xerooyinka ciidamada Kenya kuwaa oo kor u kacay sida uu sheegay.
Waxa uu sheegay in dalka uusan u dulqaadan Karin weerarada ay ku la’daan Militariga Kenya oo Xarakada Al shabaab ay la beegsadaan xarumaha Kenya ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa soomaliya yimid sanadkii 2011-kii iyagoo ku biiray Howlgalka AMISOM oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka Dagaalanka.

