Maxakada sare ee gudaha dalka Kenya ayaa sheegtay in muwaadiniintooda ay fasax u qabaan soo safrida gudaha dalka Soomaaliya iyaga oo aan cabsi ka qabin in la xero marka ay Kenya ku laabtaan.
Dadka kenyatiga ah ayaa loo ogalaaday safar tooos ah oo soomaaliya ay ku imaan karaan iyaga oo aan sii marin hay’adaha Socdaalka dalkaasi si looga warhayo waxaana intaa dheer in madaxda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay u socdaalaan dalka Kenya aysan safar toos ah ku tagi karin Garoomada diyaaradaha gudaha dalkaasi balse ay sii maraan dagmada wajeer si baaritaano dhanka amaanka loogu sameeyo iyadoo heshiis horay ay u wada galeen Uhuru Kenyatta iyo Xasan sheikh Maxamuud
Heshiiska la saxiixay ayaa dhigayay in khaatkii dowlada soomaaliya ay hakisay la’fasaxay kadib markii madaxweynaha Kenya uu saxiixay in safarka loo sii maro magaalada wajir la’joojin doono oo sitoos ah duulimaadyada mogdishu iyo Nairobi in ay isku dhaafi doonaan balse xukuumada Kenya ay balantii ay la’gashay dowlada Soomaaliya aysan ilaa imika fulinin iyadoo dowlada Soomaaliya arintaasi ilaa imika war rasmi ah aysan kasoo saarin.
Sanadkii 2012-kii barlamaanka dalka Kenya ayaa meel mariyay qaar dhigaya in muwaadiniita kenyatiga ah aysan usoo safri Karin gudaha dalka Soomaaliya kuwaa oo lagu eedeeyay hadii ay u socdaalaan in ay ku biiri karaan Xarakada Al shabaab iyada oo 10-sano oo xabsi ah maxkamada dalkaasi ay ku xukuntay muwaadinkii u safra dalka soomaaliya.

