Dowladda Soomaliya oo Si Kulul ugu Hadashay Go’aankii Kasoo Baxay madaxweynaha Mareykanka

0

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump  in uu dib ugu laabto go’aankii uu kasoo saaray Qaxootiga Mareykanka ku sugan oo Soomalida ay kamid yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda FederaalkaSomaliya  Mudane C/salaan Hadliye Cumar,  oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ay ka xun yihiin ka dowlad ahaan go’aanka Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump, isagoo intaa ku daray in go’aankani ay ka wada xumaatay Soomaali oo dhami.

Sidoo kale Wasiirka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda FederaalkaSomaliya hadliye, ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka uu saxiixay Donald Trump uu ku soo beegmayo, iyadoo shacbiga Somaliyeed ay dagaal adag kula jiraan kooxaha argagixisada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda FederaalkaSomaliya  Mudane C/salaan Hadliye Cumar,   ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in bulshada Soomaliyeed ee Mareykanka ku nool in la fuquuqo islamarkaana la yiraahdo dalka waad ka baxaysaan.

Madaxweynaha  la doortay ee Mareykanka Donald Trump , ayaa wuxuu Jimcihii qalinka ku duugay qaraar qeexaya inaanay Mareykanka imaan karin dadka u dhashay 7 wadan, oo Somaliya ay ku jirto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here