Waxaa maanta oo Axmed taariikhdana ay ku beegan tahay 29-Junuary ku eg sida ay horey u shaaciyeen xiligii loo qabtay isdiiwaangalinta Mushariixiinta Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya oo soo bilaabatay 26-kii bishaan Junuary ee 2017-ka.
Tiro lagu qiyaasay 12-musharax ayaa ilaa haatan isidiiwaan galiyay iyagoo haminaya in ay ku guuleystaan xilka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya afarta sana ee soo socota,waxay isugu jiraan Madax dalka xilal ka haya, iyo kuwa horey usoo qabtay, iyo siyaasiyiin rug cadaa ah.
Dhamaan Musharixiinta isdiiwaan galiyay ayaa laga qaaday lacago gaaraya $30,000 oo dollar-ka Marekanka ah waa qeyb kamid ah sharuudaha ay soo dajiyeen Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.
Mushariintii ugu horeeyay ee isdiiwaan galiyay waxa kamid ahaa Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shariif Shiikh Shiikh Axmed, Xildhibaanada C/qaadir Osoble,iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.
Musharixiintii ugu badnaa ayaa shalay isdiiwaan galiyay waxaa kamid ahaa Safiirkii Hore ee Soomaliya dalka Kanya Maxamed Cali Nuur Ameeriko, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Raisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Soomaliya Maxmed C/laahi Farmaajo, C/raxmaan C/shakuur Warsame, wasiirkii hore ee Iskashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaliya, Madaxweyne Xasan Shiikh maxamuud oo waqtigiisa uu dhamaaday, Iyo Madaxweyihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Dhanka kale waxaa xalay ku dhawaaqay in uu ka tanasulay Musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaliya Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi nuur Garguurte waxa uuna sheegay in uu taageersan yahay musharax Shiikh shariif Shiikh Axmed.






