Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka diyaaradaha aadan Cadde waxaa shalaya laga soo dajiyay 90 qof oo Soomaali ah kadib markii laga masaafuriyey dalka Mareykanka.
Safiirka Soomaaliya ee Washington DC Axmed Cawad ayaa laanta afka Soomaliga ee VOA u sheegay in dadka la celiyey ay isugu jiraan dad dambiyo ka galay Mareykanka iyo dad iska soo dhiibay dalkan balse loo diiday magan galyo.
Safiirka Soomaaliya ee Washington DC Axmed Cawad ayaa sheegay in go’aanka dadkan lagu masaafuriyey ay goysay maxkamad, islamarkaana qeyb kamid ah dadka la keenay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

