Puntland oo Ka Hor Timid Codsigii Madaxweynaha Soomaliya+Dhageyso

0

Maamulka Puntlnd ayaa ka hor yimid hadal dhawaan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ee ku aadanaa in Gabadhii lagu kufsaday deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug oo ahaa in la keeno Magaalada Muqdisho si  gargaar Caafimaad loogu fidiyo.

Wasiirka haweenka iyo Arrimaha qoyska ee Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta shir jaaird ku qabatay Magaalada Garoowe ee caasimada Maamulkaas ayaa sheegtay in Ridwaan Saxardiid oo ah gabadhA la kufsaday ay xaaladooda soo haagaysa iyadoo sheegtay in Puntland aysan ogalaan doonin in Gabadha la kufsaday xaalad caafimaad loo geeyo Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaliya.

Sidoo kale Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin waxa ay sheegtay in shirciga islaamka la marsiindoono dhalinyaradii gaysatay kufsigaasi, ooo haatan ay gacanta ku hayaan Ciidamada amaanka Puntland.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaliya  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Sheegay in gargaar Caafimaad oo dhanka gudaha iyo dibada ah loo fidin doono Ridwaan Saxardiid oo ah gabadha lagu kufsaday deegaanka Goldogob ee Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here