Maxaa Ka Jira in Labo Dhinac u Kala Jabeen Xildhibaanadii Guuleed Xilka Ka Qaaday+Dhageyso

0

Xildhibaanadii dhawaan kalsoonida kala laabtay madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa beeniyay in  labo garab u kala jabeen Xildhibaanada  islamarkaana qaar kamid ah lagu qanciyay in ay ka laabtaan mooshinka xil ka qaadista.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka sheegaya in qaar kamid ah xildhibaanda kalsoonida kala laabtay Madaxweyne Guuleed ay la qanciyay, islamarkaana Guulleed uu yahay wali Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

“Waa waxba kama jiraan arinta ku aadan  in  labo garab u kala jabeen Xildhibaanada Galmudug ee Kalsoonida kala laabtay Madaxweyne Guuleed, 54-tii mudane ee xilka ka qaaday wali way mideysan yihiin”, ayuu yiri Xildhibaandaa Duraan Cali Jaamac.

Dhanka kale Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xildhibaanada labada aqalka ee dalka ay marar badan kala hadleen in ay ka laabtaan go’aanka xil ka qaadis balse ay diideen iyaga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here